Alshabaab oo weerar gaadmo ah ku gubay gaari marayey gobolka Hiiraan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo weerar gaadmo ah ku gubay gaari marayey gobolka Hiiraan

Mareeg.com: Labo qof ayaa geeriyootay saddex kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii Al-Shabaab ay gubeen gaari yar oo marayay deegaanka Wagada oo 13 km u jira magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha saldhigga booliska ee degmada Beledweyne, Kornayl Cali Cabdi Mahad-Alle (Cali Dhuux) ayaa sheegay in mid ka mid ah labada qof ee geeriyooday uu ka mid ahaa ciidanka xooga dalka, iyadoo dadka dhaawacmayna ay ahaayeen dad rayid ah oo gaariga ku socdaalayey.

Mahad-Alle wuxuu intaas ku daray in dadka dhaawacmay dhaawacooda loo soo qaaday dhanka magaalada Beledweyne.

Wuxuu kaloo tilmamay in gaariga uu ka tagay magaalada Beledweye, uuna ku sii jeeday tuulo lagu magcaabo Qurac-joomo oo 120 km u jirta Beledweyne.

Korneyl Cali Dhuux ayaa xusay in ciidamo ay u direen goobta uu falka ka dhacay, si halkaas ay uga sameeyaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxdii ka dambeysay weerarkaas.

Alshabaab oo ka hadlay dagaal ayaa sheegay in Iska hor’imaad muddo ku dhaw hal saac socday ay ciidamadooda ugu suurtagashay in ay gubaan gaari yar, iyagoona gacanta ku dhigay gaari kale oo nuuciisu yahay waaraat.

Alshabaab ayaa sheegay in gaadiidka ay weerarka ku qaadeen ay wateeb ciidamada dowladda Soomaaliya, halka mas’uuliyiinta dowladdu sheegayaan in dad rayid ah iyo askar la socdeen gaariga.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!