Alshabaab oo Galgaduud kusoo bandhigay meydadka askar Itoobiyaan ah (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo Galgaduud kusoo bandhigay meydadka askar Itoobiyaan ah (Sawirro)

Wabxo – Mareeg.com: Alshabaab ayaa tuulo ku taalla gobolka Galgaduud kusoo bandhigay labo meyd ah oo ay sheegeen iney ka dileen ciidamada kadib dagaal xoog leh oo sabtidii ka dhacay deegaan u dhaxeeya Maxaas iyo Wabxo.

Sawirrada la helay waxaa lasoo geliyey bogga Idaacadda Alshabaab ee Al-andalus ku leedahay Facebook, waxaana warbixinta lagu sheegay in goobtu tahay deegaanka Wabxo, hase ahaatee maamulka dowladda ee gobolka Galgagduud ayaa sheegaya in Wabxo ay iayaga gacanta ugu jirto oo ka saareen Alshabaab.

Afhayeenka Alshabaab, Sheekh Cali Dheere iyo gudoomiyaha ururkaas ee gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub ayaa soo bandhigay meydka 2 sakri oo ay sheegeen in mid ka mid ahaa sarkaal wax ka hogaaminayey dgaalka.

Afhayeenka ayaa sheegay in sarkaalka lagu dilay dagaalkii Wabxo uu ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay ee hoggaaminayay duullaanka ciidamada Itoobiya ku qaadeen gobolka Galguduud.

Waraka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalkii sabtida dhacay uu ahaa mid xoog badan, islamarkaana madaafiicda laga maqlay deegaano miiyi ah oo aad uga fog goobta lagu dagaallamay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dhimashada labada dhinac ku dhowdhay ilaa 30, mana jiro war kazoo baxay hogaanka AMISOM oo la xiriira meydadka Alshabaab soo bandhigeen.

Waxaa adag in warar madaxbanaan laga helo deegaanada dagaalladu ka dhaceen waxaana dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab dhinac kasta sheeganayaa inuu dagaalka guul ka gaaray.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Galgaduud, Cabdixakiim Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Caddoow Curumoow oo 18 km koofur uga beegan deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiye kuxigeenka ayaa intaas ku daray in deegaanka lagu dagaallamay uu ahaa saldhigga ugu weyn ee maleeshiyadu xilligan ku lahayd gobollada dhexe, halkaas oo ay isugu ururtay maleeshiyada laga soo saaray deegaanno ka tirsan gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Caddoow Curumoow, waa ceel ku yaalla deegaan hawd ah oo u dhexeeya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan iyo deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud. Alshabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay fariisimo ka sameysanayey dhulka howdka ah ee ka fog wadooyinka, islamarkaana leh biyo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!