Alshabaab oo gaadmo ku dilay 3 askari oo Kenyan ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo gaadmo ku dilay 3 askari oo Kenyan ah

Mareeg.com: Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku dilay 3 askari oo Kenyaan ah oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyagoo sidoo kalana dhaawacay 8 askari.

Sida uu qoray Wargeyska The Standard, weerarka gaadamada ah ayaa ka dhacay magaalada Delbio ee gudaha Soomaaliya.

Askarta ayaa lagu qaaday weerar gaadmo ah xili sabtii ay roondo ugu jiray  gudaha iyo hareeraha magaaladaas.

Askartii dhaawaca soo gaaray, waxaa loola cararay xadka Soomaaliya iyo Kenya iyadoo markii dambe loo duuliyay Magaalada Nairobi.

Alshabaab ayaa maanta weerar kale ku qaaday ciidamo ka socda dalka Burundi oo marayey deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!