Alshabaab oo gaadiidka ku baara hareeraha Baydhabo

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in rag ka tirsan Alshabaab ay gaadiidka ku baaraabn deegaano ka baxsan magaalada, iyagoo dhawaan halkaas ku gubay labo gaari oo dad shacab ah lahaayeen.

Meelaha lagu arkay Alshabaab oo gaadiidka baaraya ayaa waxaa ka mid ah wadada aadda dhanka deegaanka Goof-guduud, kuwaasoo kala ahaa NOAH iyo Xaajiyad.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay baabuurtaas la gubay sideen qaad oo ay u sideen deegaanka Goof-gaduud Shabeelow, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ee ka socda Itoobiya.

Al-shabaab ayaa horay uga mamnuucday deegaannada ay ka taliso Qaadka iyo sigaarka, iyagoo horay u gubay gawaari badan oo qaad siday.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay xoogagga kooxda Al-shabaab weerarro gaadmo ah kusoo qaadeen saldhig ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin deegaanka Daynuunaay oo 25-km u jirta Baydhabo.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245