Alshabaab oo gaadiid ka gubay ciidanka Puntland ee duledka Boosaaso
Mareeg.com: Alshabaab ayaa xalay weerar ku qaaday bar-kaantarool oo ku taalla deegaanka Yalho oo dhaca dulleedka magaalada Boosaasoo ee gobolka Bari.
Dagaalka ayaa billowday kaddib markii Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen ciidamo daraawiish ah oo halkaasi bar-kartarool ku leh.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse qof ka mid ahaa dadka rakaab ah xilliga uu dagaalku ka socday duleedka Yalho halkaas ku sugan ayaa sheegay in uu arkay baabuur nooca dagaalka ah oo gubanaya.
Comments are closed.