Alshabaab oo dilay sarkaal ka tirsan maamulka Shabeellaha Hoose

Mareeg.com: Alshabaab ayaa sheegay iney dileen taliyahii ciidamada dowladda deegaanka Danow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Bar ay leedahay Alshabaab ayaa lagu qoray in ciidamada Alshabaab gudaha u galeen guriga sarkaalkaas, islamarkaana ay dileen taliyahaas, kaasi oo lagu magacaabi jiray Aadan Deerow iyo saddex ka mid ahaa ilaaladiisa.

Guddoomiyaha deegaanka Shalaanbood, Nuur Cismaan Raage ayaa u sheegay warbaahinta in dilalkan ay geysteen kooxo Al-shabaab ka tirsan oo si gaadmo ah ku weeraray guriga ay askartaas ku sugnaayeen.

“Ciidamada la dilay tiradoodu waa afar askari, waxaana rasaastii lagu dilay askartan ku dhaawacantay gabar goobta ka ag-dhaweyd oo rayid ah,” ayuu yiri Raage oo intaas ku daray in kooxaha dilka geystay ay markiiba goobta ka baxsadeen.

Dhanka kale, goobjoogayaal ayaa iyaguna sheegay in laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda xalay lagu dilay xaafadaha Say-biyaano oo ka tirsan degmada Hodan iyo Beerta Jaadka, iyadoo qof rayid ah uu ku dhaawacmay rasaastii lagu dilay mid ka mid ah askartan.

Kooxaha dilalka askartan geystay oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo aysan weli saraakiisha ammaanka dowladdu ka hadlin dilalka xalay loo geystay askartan iyo iska-horimaadyada ka dhacay degmada Huriwaa.

Waxaa sidoo kale xalay Muqdisho laga maqlay iska-hor-imaadyo ka dhacay xaafadaha Suuqa Xoolaha, SOS iyo Ex-control Balcad.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245