Mareeg.com: Al-shabaab ayaa ku toogatay faraage ku yaalla degmada Diinsoor ee gobolka Bay, wadaad ay ku eedeeyeen inuu sixiroole ahaa, kaasoo la sheegay inay qabteen ciidamada Amniyaatka Al-shabaab.
Waxaa goobta lagu toogtay ninkaas ku sugnaa dadweyne farabadan, waxaana ninka la dilay magaciisa lagu sheegay, Macallin C/qaadir Sheekh Aadan.
Garsooraha maxkamada Al-shabaab ee xukunka ridday ayaa sheegay inay maxkamaddu go’aansatay inay xukun dil ah ku riddo macallin C/qaadir, kaddib markii lagu helay inuu yahay sixiroole.
Xarakada Al-shabaab ayaa deegaannada ay ka taliso ee ku yaalla Koonfurta Soomaaliya waxay ka fuliyaan xukuno kala duwan oo dil toogasho ah.
Mareeg Media
Published by A Warsame is senior
Editor and managing Director of Mareeg Media
Whatup :+447737886245
Happy
0 0 %
Sad
0 0 %
Excited
0 0 %
Sleepy
0 0 %
Angry
0 0 %
Surprise
0 0 %