Alshabaab Oo Diinsoor Ku Gubay Gaari Ay Sheegeen Inuu Siday Khamri

Diinsoor, Mareeg.com: Alshabaab ayaa gaari la sheegay inuu siday khamri ku gudaby degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Al-shabaab ayaa sheegay in gaarigaan oo ahaa nuuca TOTOTA ee dusha ka fruan ay ka qabteen duleedka degmada Bardaale, isagoo ka yimid dhanka degmada Doolow.

Waxey sheegeen Alshabaab in gaarigu khamriga u sdiay ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Bardaale sida ay sheegen, islamarkaana ay ka heleen wadada.

Gaariga iyo raggii watay ayaa la geeyay degmada Diinsoor shalay gellinkii dambe waxaa gaarigii iyo khamrigii lagu gubay fagaare ku yaalla degmada Diinsoor, halkaasoo ay isugu soo baxeen dadweyne fara badan ee ku nool degmadaas.

Xoogagga Al-shabaab ayaa horay ugu gubay gaadiid waday jaad iyo qamri oo ka kala yimid dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Bishii hore Alshabaab ayaa gaari qaad siday oo ka baxay Muqdisho sidoo kale ku gubay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Mareeg.com