Alshabaab Oo Digniin Udiray Shaqaalaha Hayadaha Shisheeye Ee Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab Oo Digniin Udiray Shaqaalaha Hayadaha Shisheeye Ee Muqdisho

Muqdisho, Mareeg.com: Gudoomiyaha Alshabaab ugu magacaaban Gobalka Banadir Sheekh Cali Max’ed Xuseen (Cali Jabal) ayaa digniin u diray dadka Soomaaliyeed ee u sahqeeyay hay’adaha ka howlgala Muqdisho.

Cali Jabal oo la hadlay warbaahinta Alshabaab ayaa sheegay in Alshabaab la dagaallami doonaan qof kasta ee u shaqeeya hay’adaha ajnabiga ah ee Muqdisho jooga.

Wuxuu dadka ugu baaqay ineysan wax weydiisan hay’adaha ka sahqeeya Soomaaliya, kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwo dalka kusoo duulay.

“Dadka Muslimiinta ah waxaan leenahay halaga fogaado hay’adaha haddey Turki sheegtaan, haddey Qaramada Midoobay sheegtay iyo haddey kuwa kale sheegtaan, waa niman soo duulay oo dagaal lagula jiro” ayuu yiri Cali Jabal.

Wuxuu mar kale ku celiyey digniin hore oo aheyd in dadku ka fogaadaan xarrumaha dowladda iyo ciidamada caawiya ee Midowga Afrika (AMISOM).

Sheekh Cali Jabal ayaa soo hadal qaaday warkii kasoo baxay saraakiil Mareykan ah kaasi oo ahaa in ciidamo ka tirsan Dowladda Mareykanka ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay inay la dagaalamayaan ciidamada Mareykanka ee Muqdisho jooga wajiga ay doonaan haku joogaan Magaalada.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!