Alshabaab oo dib ula wareegay deegaanka Ceel Garas ee gobolka Galgaduud * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo dib ula wareegay deegaanka Ceel Garas ee gobolka Galgaduud

Mareeg.com: Xarakada Alshabaab ayaa saaka dib ula wareegtay deegaanka Ceel Garas oo qiyaastii 40KM u jirta degmada Duusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM kama hadlin ka bixitaankooda deegaanka Ceel Garas oo ay todobaadkii lasoo dhaafay kjala wareegn ciidamada Alshabaab.

Alshabaab oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in weeraras culus oo ay xalay ku qaadeen deegaanka Ceel Garas ay halkaas uga saareen ciidamada Itoobiya.

Alshabaab ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya u baxeen dhanka degmada Dhuusamreeb, waxaaaana qaar ka mid ah dadka deegaanku Mareeg Media u sheegeen in ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin deegaan 30 KM u jira Ceel Garas.

Ma cadda in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya dagaal looga saaray deegaanka Clee Garas iyo iney iskooda uga baxeen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!