Alshabaab oo dib ula wareegay Aw-dheegele iyo Mubaarak oo ka tirsan Shabeellaha Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo dib ula wareegay Aw-dheegele iyo Mubaarak oo ka tirsan Shabeellaha Hoose

Mareeg.com: Alshabaab ayaa markale dib ula wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo horay looga saaray, kadib dagaal saaka waabarigii dhacay.

Sida Alshabaab sheegeen, waxaa ragga taabacsan dib ula wareeeen deegaannada Aw-dheegle iyo Mubaarak oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, dhanka Koonfur Galbeedna uga beegan degmada Afgooye.

Deegaanada Alshabaab sheegeen iney la wareegeen waxaa dhawaan isaga baxay ciidamada AMISOM ee gacanta siinayey milateriga Soomaaliya

Sarkaal la hadlay Radio ay leeyihiin Alshabaab oo lagu magacaabo Andalus ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Alshabaab oo wata gaadiidka dagaalka ay gudaha u galeen labadaas deegaan, ayna dileen ilaa 10 ka tirsan ciidamada Soomaaliya, qaarna ay webiga ku daateen sida uu yiri.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlayay BBC ayaa xaqiijiyay in deegaanadaas ay xalay qabsadeen Al-Shabaab.

Siidii ayaa sheegay inuu horay uga digay ka bixitaanka labadaas deegaan 2 bilood ka hor, markii Ciidankii AMISOM ee ku sugnaa halkaas isaga baxeen.

“Labo bilood ka hor ayaan ka dignay ka bixitaanka AMISOM ee deegaanadaas, saaka waabarigii waxaa halkaas weeraray Al-Shabaab, weyna la wareegeen” ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Wuxuu sheegay Siiddii in Alshabaab dileen ilaa 4 ka mid ah ciidamada Soomaaliy ee ku sugnaa deegaanada Alshabaab dib ula wareegeen.

Sidoo kale C/qaadir Siidii ayaa sheegay in ciidamo gurmad ah ay ku baxeen deegaanka, si ay dib ula wareegaan, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada ay ku dhow yihiin deegaanadaas.

Markii ciidamada AMISOM ka baxeen Aw-dheegle iyo Mubaarak ayaa waxaa dadka deegaanku muujiyeen walwal ah in Alshabaab dib halkaas usoo weerari doonaan, waxaana milateriga Soomaaliya ku adkaan doonta iney deegaannadaas dib ugu laabtaan iyadoo aysan wehlineyn AMISOM.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!