Alshabaab oo dhagax ku dhilay nin lagu soo dacweeyey kufsi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo dhagax ku dhilay nin lagu soo dacweeyey kufsi

Mareeg.com: Maxkamad ay leeyihiin Alshabaab ayaa meel ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose xukun dhagax ku dil ku fulisay wiil lagu eedeeyey inuu kufsaday haweeney.

Wiilka dhagaxa lagu dilaya ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan Axmed Cali oo 18 sano jir ah, iyadoo gabadha uu kufsaday magaceeda lagu sheegay Faadumo Xasan Maxamuud oo 28 sano jir ah, una soo dacwootay maxkamadda Alshabaab.

Garsoore aan magaciisa la sheegin oo xukunka riday ayaa sheegay in Xasan uu kufsaday gabadha isagoo watay qori, kadib markii uu kula lmay dhul baadiyo ah oo ka baxsan tuulo lagu magacaabo Buulo Mako.

Wuxuu sheegay qaaligaan in Xasan uu qirtay inuu u galmooday haweeneyda, hase ahaatee uu ku dooday iney isugu tageen qaab raalli ah oo uusan xoogin.

Wuxuu sheegay qaaligu in Xasan oo leh xaas lagu helay inuu ugu yaraan zino ku dhacay, sidaas darteedna lagu xukumay dhagax ku dil.

Qaadiga maxkamadda wuxuu sidoo kale sheegay in gabadha lakufsaday loo xukmiyay mahar lagu qiimeeyay hadba waxa laga bixiyo hablaha deegaanka oo ah qaalin lo’ 2 sano jir ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!