Alshabaab Oo Debadbax Ka Dhan Ah Itoobiya Ka Dhigay Degmada Baraawe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab Oo Debadbax Ka Dhan Ah Itoobiya Ka Dhigay Degmada Baraawe

Baraawe – Mareeg.com: Alshabaab ayaa shalay oo jimce degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ku qabtay debadbax looga horjeedo ciidamada Itoobiya ee dalalka Mareykanka iyo Israel.

Dibadbaxa oo ahaa mid loo soo agaasimay ayaa waxaa kalimado kala duwan ka jeediyay gudoomiyaha Alshabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose Sheekh Maxamed “Abuu Cabdallaah”, Sheekh Jaamac C/salaam, Sheekh Xasan Takar iyo xubno kale.

Debadbaxa waxaa lagu gudaby calamada dalalka Mareykanka, Israel iyo Itoobiya, waxaana dadka ka qeybagalay kor u qaadayeen boorar lagu qoray “Itoobiya ha dhimato”, “Soomaaliya waa qabuuraha Itoobiya”.

“Kama raalin noqon doono in Soomaaliya loo qeybiyo dowlado yarar iyo dalka la qabsado” ayaa sidoo kale ka mid ahaa boorarka debadbaxa ka muuqday.

Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalka Shabelah hoose Sheekh Maxamed “Abuu Cabdala” ayaa debadbaxa ka sheegay in dowladaha ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay dalka kala qeybsadeen sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Kenya, ayuu sheegay in lasiiyay Jubbooyinka, ciidanka Itoobiya ayaa wuxuu sheegay inay la wareegeen Gedo, Baay iyo Bakool ciidamada Uganda iyo Burundi, ayuu qeexay inay la wareegeen gacan ku haynta Gobalada Shabeelooyinka iyo Banaadir, isaga oo ugu dambeyn sheegay in Puntland iyo Soomaaliland kol hore lala wareegay.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdala, ayaa shacabka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqay inay qaataan hubka oo ay iska dhiciyaan ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Ethiopia ayuu tilmaamay inay horay uqabsatay dhulka Soomaali galbeed hadana loogu daray Gobalada Baay iyo Bakool iyo Gedo, taasina ay muujinayso sida Soomaaliya lookala qeybsamay.

Ciidamada Itoobiya oo horay Soomaaliya u joogaya ayaa dhamaadkii bishii hore Janaayo si rasmi ah ugu biiray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxeyna la wareegeen amaanka magaalada Baydhabo oo ay horay u joogeen ciidamada Uganda iyo Burundi.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!