Alshabaab oo dagaal dhabagal ah ku qaaday ciidamada Itoobiya soo siday maxaabiis * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo dagaal dhabagal ah ku qaaday ciidamada Itoobiya soo siday maxaabiis

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in shalay galab dagaal xoogan deegaanka Maalin-nugur oo kala qeybiya Dhuusamareeb iyo Ceelbuur uu dagaal ku dhexmaray ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya iyo Alshabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii ciidamo nilatari ah maxaabiis Al-shabaab ah ka soo waday degmada Ceelbuur oo ku soo jeeday Dhuusamareeb ay jidka u galeen Al-shabaab islamarkaana uu mudo qaatay.

Sargaal lagu magacaabo Cabdi Cabdulle oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Al-shabaab ay jidka u galeen ciidamadaasi, balse ay iska caabiyeen.

Alshabaab oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay iney saacado la dagaalameen ciidamada Itoobiya oo ka baxay Ceelbuur, kuna sii jeeday Dhuusamareeb.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!