Alshabaab oo dagaal culus kula wareegay Aw-dheegle iyo Mubaarak * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo dagaal culus kula wareegay Aw-dheegle iyo Mubaarak

Mareeg.com: Alshabaab ayaa xalay markale weerar culus ku qaaday deegaanada Aw-dheegle iyo Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo foodda is dareen ciidamada dowladda Soomaaliya oo halkaas joogay.

Ugu yaraan tobaneeyo qof ayaa ku dhimatay dagaalkaas culus ee ciidammada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Awdheegle iyo deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay sheegeen dad ku nool deegaankaasi, dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa dagaal culus kaddib waxa ay la wareegeen degmada Awdheegle iyo deegaanka Mubaarak.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa BBC u sheegay in dagaal faraha looga gubtay uu halkaasi ka dhacay.

Balse waxa uu ka gaabsaday in uu sheego tirada ciidammadooda halkaas kaga dhimatay, isagoo tilmaamay in ay jiraan dhimasho iyo dhaawacba balse ay weli ku jiraan uruurintii iyo tirakoobkii.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhankiisa sheegay in ugu yaraan 25 askari oo ka tirsan ciidammada dowladda ay dagaalkaasi ku dileen.

Degmada Awdheegle ayaa waxa ay 75km galbeedka ka xigtaa magaalada Muqdisho, waxayna ka tirsan tahay gobolka Shabeelaha Hoose.

Aw-dheegle iyo Mubaarak oo ay horay u joogi jireen ciidanka AMISOM, balse ay ka baxeen labo bilood ka hor ayaa Alshabaab qabsadeen todobaadkii hore, hase ahaatee dib ayaa looga saaray, maanta ayay haddan markale dib u qabsadeen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!