Alshabaab oo cudud ka raba Shacabka Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo cudud ka raba Shacabka Soomaaliya

Muqdisho – Mareeg.com: Alshabaab ayaa u qeylo-dhaansaday shacabka Soomaaliyeed kadib markii uu shalay bilwoday weerarka dhan ururkaas oo sida la sheegay ku wajahan gobollo badan oo ay maamulaan.

Afhayeenka Alshabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” ayaa hadal loogu talagalay dadka Soomaaliyeed jeediyey, wuxuuna shacabka ka codsaday iney Alshabaab ku gacan siiyaan dagaalka ay kala hortegayaal ciidamada Itoobiya.

“Umadda Soomaaliyeed waa in ay baraarugaan meel walba oo ay joogaan dal iyo dibadda, cadawga soo jireenka Itoobiya maanta garab ayuu ka helayaa gaalada caalamiga ah waa in aad dalkiina ka difaacdaan cadawgan hororka ah” ayuu yiri sheekh Cali Dheere.

Cali Dheere ayaa tilmaamay in xaaladda haatan ku jirto Soomaaliya ay la mid tahay xaaladdii jirtay xilligii Axmed Gurey la dagaalamayaye Xabashida.

“Reer galbeedku markii uu Axmed Gureey la dagaalamayay Itoobiya sidii ay ugarabsiiyeen Xabashida ayay maantana ugarbsiinayaan cadawgeenna soo jireenka ah, waad ogtihiin in dowlado uu Boortaqiisku kamid ahaa ay ciidankii Axmed Gureey ladagaalameen iyagoo garab siinaya Itoobiya” ayuu sidoo kale yiri Afhayeenka Alshabaab.

Sheekh Cali Dheere ayaa baaq u diray qabaa’ilka Soomaaliyeed, waxaana uu ka codsaday inay adkeeyaan kaalinta ay ka geysanayaan difaaca dalka, kana soo horjeestaan qorshayaasha cusub ee loo maleegayo Soomaaliya.

“Waxaan sii wadeynaa dagaalka aan kula jirno kuwa nagu soo duulay, waana sii wadi doonaa inta ay naftu nagu dambeyso”ayuu yiri Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab.

Cali Dheere ayaa tusaale usoo qaatay dagaaladii dhaxmaray Soomaaliya iyo Itoobiya sanadihii 1964 iyo 1977 iyo dagaalkii gudaha Soomaaliya ciidamada Itoobiya kooxihii muqaawamadu kula galeen sanadihii 2006-2008.

Alshabaab ayaa gobollada ay maamulaan ka bilaabay olole ay ku kicinayaan dadka halkaas ku nool, kadib markii Itoobiya ka mid noqotay AMISOM, iyadoo shalay Alshabaab laga saaray degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!