Alshabaab oo cafis ku sii daayey shan maxbuus

Mareeg.com: Al-shabaab ayaa cafis kusii daayey ilaa 5 maxbuus oo muddo ku xirnaa degmada Baraawe gobolka Shabdeellaha Hoose.

Madaxa Alshabaab u qaabisan gobolka Shabeellaha Hoose, Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa cafiskaan u fidiyey rag shan ah oo magacyadooda lagu kala sheegay:  Cabdullaahi Muuse Xassan, Axmad Jeylaani Siimbaaw, Xuseen Maxamad Awal, Xassan Cali Cuamr, Idriis Ibraahim Sheekh Cabdi.

Abuu Cabdalla ayaa sheegay in ragga la sii daayay aanu cusleen dembiyada ay u xirnaayeen, taasina sahashay in cafi lagu sii daayo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Saraakiisha Shabaab ee xabsiga ka hawlgala ay soo gudbiyeen macluumadka la xiriira raggaan, isla-markaana ay sheegeen inay xabsiga ku tooseen, sida uyiri.

Inta badan lama maqlo dad Alshabaab cafis kusii daayeen, inkastoo haddana ay sii daayaan dad badan oo ay tuhun u qabtaan, halka qaar kalana ay toogtaan ama muddo dheer ku hayaan xabsiyada.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245