Alshabaab oo Baardheere ku toogtay nin ay ku eedeeyeen basaasnimo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo Baardheere ku toogtay nin ay ku eedeeyeen basaasnimo

Baardheere – Mareeg.com: Alshabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaalla degmada Baardheere ee goblka Gedo ku toogtay nin ay ku eedeeyeen inuu u basaasayey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ninka la toogtay waxey Alshabaab magaciisa ku sheegeen Axmed Sheekh Max’med Xuseen, waxeyna xuseen iney ku heleen inuu dowladda federaalka Soomaaliya lacago uga qaatay basaasidda meelaha Alshabaab ka joogaan Jubbooyinka iyo Gedo.

Sheekh C/raxman Sayid, oo ah madaxa Alshabaab u qaabilsan gobolka Gedo oo ka hadlay goobta ninkan lagu toogtay ayaa sheegay iney gacan bir ah ku qaban doonaan kuwa uu ku tilmaamay jawaasiis.

Alshabaab ayaa dilal nuucaan horay uga fuliyey meelo ay horay u maamuli jireen iyo deegaano ay weli maalulaan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!