Alshabaab oo baahiyey sawirrada sarkaal Kenyan oo looga dilay Somalia

Read Time:36 Second

Mareeg.com: Alshabaab ayaa shaaciyey in sarkaal iyaga ka tirsan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Ramzi kana soo jeeda gobolka Xeebta Kenya lagu dilay gudaha Soomaaliya.

Filim ay soo saareen Alshabaab ayay ku sheegeen in ninkaas Kenyanka ah uu ku dhintay gudaha Soomaaliya, inkastoo aysan sheegin goobta lagu dilay iyo goorta la dilay.

Muuqaalka waxaa lagu arkayaa Afhayeenka Alshabaab Sheikh Cali Dheere oo sheegay in Ramzi uu dalkiisa uu ugasoo haajiray sidii uu u koryeeli lahaa diinta.

Sidoo kale, waxaa filimka ka muuqanaya muuqaalada sarkaalka la dilay oo la sheegay inuu kasoo jeedoo magaalada Maombasa ee gobolka Xeebta Kenya.

Alshabaab ayaa waqtiyo dambe filimaan muuqaal ah kasoo saara dagaallada ay galaan, dadka is qarxiya iyo saraakiisha laga dilo.
http://wata.cc/up/2015/04/images/w-780388c105.jpg
http://wata.cc/up/2015/04/images/w-c6e45a26dc.jpg

http://wata.cc/up/2015/04/images/w-7c80d59ac7.png
http://wata.cc/up/2015/04/images/w-02fc590c9f.jpg
Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.