Alshabaab oo baahiyey codadka Askar Kenyan ah oo ay maxaabiis u heystaan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo baahiyey codadka Askar Kenyan ah oo ay maxaabiis u heystaan

Mareeg.com: Ururka Alshabaab ayaa baahiyey codadka labo ka mid ah milateriga Kenya oo ay ka qafaasheen xeradii milateri ee ciidamadaas ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ee 15-kii bishaan Alshabaab xoogga ku galeen.

Wareysiga waxaa qaaday Radio ku hadla Afka Alshabaab oo lagu magacaabo Al-andalus, waxaana lasoo dhigay baraha Jihaadiga ah ee kooxdaasi leedahay.

Askariga koowaad ee Alshabaab wareysteen waxaa magaciisa lagu sheegay Lawrence Rinui Kamau, oo ah 30 sana jir ka dhashay qabiilka Kikuuyada, kana soo jeeda gobolka Kiambu County ee bartamaha wadanka Kenya.

Ninkaan oo ku hadlay Afka Ingiriiska ayaa sheegay in Alshabaab 15-kii Janaayo 2016 xoog ku jiireen xeradii ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde, halkaasna ku dileen askar badan, qaar isagu ka mid yahayna qafaasheen.

Wuxuu ka codsaday dowladdiisa Kenya, iyo Midowga Afrika iney ka shaqeeyaan sidii looga sii deyn lahaa gacanta xarakada Alshabaab.

Askariga kale ee Idaaacadda Alshabaab ee Alandalus wareysatay ayaa magaciisa ku sheegay Isaak Balewa, da’diisana ku tilmaamay 50 sano, una dhashay qabiilka Luhya  oo kamid ah qabaa’illada  Kenya.

Wuxuu askarigaani sidoo kale codsaday in dowladda Kenya iyo AMISOM ka shaqeeyaan sidii looga badbaadin lahaa Alshabaab oo gacanta ku haya.

15-kii bishaan Janaayo ayaa Alshabaab waxey weerar is-qarxin iyo toos isugu jiray ku qaadeen xero milateri oo ciidanka Keynya ku lahaaa gobolka Gedo, waxeyna bayaan ay soo saareen shalay ku sheegeen iney dileen 100 askari oo Kenyan ah, islamrkaanka maxaabiis ahaan u heystaan 12 kale.

Alshabaab ayaa sidoo kale sheegay iney xeradaas kala baxeen hub iyo gaadiid dagaal oo aad u fara badan, waxaana weerarkaas lagu tilmaamay kii ugu xumaa ee Alshabaab ku qaadaan xero milateriga Kenya ku leeyahay gudaha Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!