Shabeellaha Dhexe: Alshabaab oo askari ku dilay deegaan ay maamulaan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shabeellaha Dhexe: Alshabaab oo askari ku dilay deegaan ay maamulaan

Muqdisho – Mareeg.com: Alshabaab ayaa sheegay iney deegaanka Guullane ee ka tirsan degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dileen askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo deegaankaas ka soo jeeday, islamarkaana si dhuumaaleysi ah ku joogay.

Tuulada Guulane waxaa maamula Alshabaab, waxaana la sheegay in askarigan oo ka tegay Jowhar, islamarkaana watay qorigiisa uu halkaas gaaray, markii damabana Alshabaab ka warheleen.

Alshabaab ayaa magaca askariga ay dileen ku sheegay Cumar Maxame Aw-Nuur, iyagoo sidoo kale sheegay in ninkaasi qori kala goostay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Alshabaab ayaa xusay in Cumar Maxamuud Nuur uu ahaa Gaashaanle Dhexe, laguna soo tababaray xerada Beganga ee dalka Uganda, waxeyna soo bandhigeen sawirro kooxeed ay sheegeen inuu ka mid yahay, kuwaasoo ay ka muuqdaan askar ku labisan dharka ciidamada Uagnda.

Waxey sidoo kale Alshabaab soo bandhigeen ID muujinaya magaca askariga ay sheegeen iney dileen iyo qori ay yiraahdeen isaga ayaa watay.

Dad ehel la ah askarigaas la dilay ayaa Mareeg Media u sheegay inuu jiro dilkaas ninkaas ka tirsanaan ciidamada dowladda, islamarkaana Alshabaab diideen in lagu aaso qabuuraha tuulada Guullane.

Mas’uuilyiinta maamulka gobolka Shabeellada Dhexe iyo saraakiisha ciidamada ayaan weli ka haldin dilka sarkaalkan oo la sheegay inuu halkaas u tagay si uu u soo booqdo ehelladiisa oo tuuladaas ku sugan.

Waa sarkaalkii ugu horreeyay oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu dilay deegaanno ay Al-shabaab haysato, halkaasoo uu si dhuumaaleysi ah ku tagay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!