Alshabaab oo afduubay gudoomiyihii hore ee Ceelbuur * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo afduubay gudoomiyihii hore ee Ceelbuur

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay habeen hore afduubatay guddoomiyihii hore ee degmada Ceelbuur, Macallin Maxamuud Xasan Afrax.

Guddoomiyaha maamulka dowladda federaalka ah ee degmada Ceel-buur, Nuur Xasan Guutaale ayaa xaqiijiyay afduubka Macallin Maxamuud Afrax.

Guutaale ayaa sheegay in odayaal dhaqameedka deegaanka ay xiriir la sameeyeen Al-Shabaab, ayna ka dalbadeen in ay sii daayaan Macallin Maxamuud, maadaama uusan iminka wax siyaasad ah ku jirin.

Macallin Maxamuud Xasan Afrax, oo guddoomiyaha degmada Ceelbuur noqday xilligii dowladdii KMG ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa laga afduubtay deegaanka Dac oo 18 km u jira degmada Ceel-buur.

Lamana oga halka ay Alshabaab geeyeen mas’uulkaas hore iyo sida ay ka yeeli doonaan.

Dhanka kale, Maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Ceel-buur iyo ciidanka xoogga dalka oo iskaashanaya ayaa gelinkii dambe ee shalay duleedka degmadaas ku qabtay gaari SURF ah oo ay ku rarnaayeen hub iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada.

Guddoomiyaha degmada Ceel-buur Nuur Xasan Guutaale, ayaa sheegay in gaariga ay ku soo qabteen labo qof, isla markaana ay ku xireen saldhigga degmada, maxkamadna la soo taagi doono.

Guddoomiyaha ayaa xusay in xogta gaariga ay u soo gudbiyeen qaar ka mid ah shacabka iyo ciidan ka tirsan kuwa dowladda.

Gaariga ayaa ku sii jeeday dhanka degmada Gal-hareeri oo ay ka taliso Al-Shabaab, sida uu sheegay guddoomiye Guutaale.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!