Alshabaab oo afar nin ku toogtay degmada Baardheere (Sabab?)

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in caawa maqribkii Alshabaab halkaas ku toogteen 4 nin oo ay ku eedeeyeen iney jawaasiis yihiin.

Alshabaab ayaa sheegay in sababta loo dilay afartaas ruux ay aheyd iney u bsaasayeen dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya.

Alshabaab ma shaacin magacyada dadka la dilay, hase ahaatee qaali ka tirsan ururkaas oo la hadlay dadka Baardheere ayaa sheegay in dadkaasi qirteen iney basaasiin ahaayeen.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245