Alshabaab oo 4 qof ku toogtay degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Mareeg.com: Xarakada Alshabaab ee ku xiran Alqaacidda ayaa 4 ruux oo ay ku eedeysay bsaasnimo shalay ku toogatay degmada Diinsoor ee gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya.

Qaadi ka tirsan Alshabaab oo goob fagaare ah oo dadkaas lagu toogtay ka hadlay sheegay in afarta la toogtay loo dilay iney diinta Islaamka ka baxeen sida uu yiri.

Ragga la dilay ayaa kala ahaa sida Alshabaab baahiyeen:-

1- Cali Muuse Cali  oo 26 sana Jir ahaa, waxaa Alshabaab ku eedeeyeen inuu basaas u ahaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

2- Xasan Cadaawe Muxamed  oo 24 sana Jir  ahaa, waxaa isagana Alshabaab ku eedeeyeen inuu u jaajuusayay Dowladda Federaalka ah.

3- Cukaasha Cali Xaaji 39 sana Jir ahaa, waxaa Alshabaab ku eedeeyeen inuu ahaa jaasuus u shaqeynayey dowladda Kenya.

4-Muxamed Nuur Cali Sooyaal 40  sana Jir ahaa, waxaa isagana lagu eedeeyey inuu u basaasayey Dowladda Kenya.

Alshabaab ayaa horay deegaannada ay taliyaan ugu toogtay dad badan oo kala duwan, kuwaasoo ay ku eedeeyeen iney basaasiin u yihiin dowladda Federaalka iyo dowladaha taageera.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245