Alshabaab oo 4 nin ku toogtay degmada Baraawe

Read Time:1 Minute, 9 Second

Mareeg.com: Ururka Alshabaab ayaa shalay galab 4 dhalinyaro ah ku toogtay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose. Waxey afarta nin ku eedeeyeen iney u basaasayeen dowladda Soomaaliya iyo dalal shisheeye.

Sida laga sheegay goobta lagu toogtay 4-taas nin, maxkamada Alshabaab ayaa ku heshay iney ku lug lahaayeen falal jaasuusnimo ah oo ka dhan ah dadka Muslimiinta, sida warka loo dhigay.

Dhalinyarada Alshabaab toogteen waxey kala yihiin:-

1- Mahad Xasan Ciise oo da’diisu aheyd 26 sano jir, waxey Alshabaab ku eedeeyeen in uu la shaqeynayay a hay’adda CRD iyo Nabad sugidda Dowladda Soomaaliya.

2- Xasan Xaaji Aawow oo da’diisu aheyd 27 sana jir, waxaa isna Alshabaab u dileen in uu ka tirsanaa ciidamada Gaashaan ee dowladda Soomaaliya.

3- Iidle Max’med Xasan oo 18 sana jir ahaa, waxaa isagana Alshabaab sheegeen in agu helay in uu wada shaqeyn lalahaa PS-ta dowladda Federaalka.

4- Axmed Max’med Aadam ayaa isna Alshabaab u khaarijiyeen in uu ahaa Jaasuus u shaqeynayay shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay, sida warka loo cabiray.

Sheekh Max’med Abuu Cabdalla oo ah madaxa Alshabaab u qaabilsan Shabeelaha Hoose oo goobta afrtaan ruux lagu dilay ka hadlay ayaa digniin hor leh u diray dadka uu ugu yeeray Jawaasiista khiyaameeya dadka Muslimiinta ah.

Ma aha markii ugu horreysay ee Alshabaab ku toogtaan degmada Baraawe dad lagu eedeynayo iney u basaasayeen dowladda Soomaaliya iyo dalal ajnabi ah.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.