Alshabaab: Mid ka mid ah ragii weeraray Xalane wuxuu ahaa Kenyan

Read Time:51 Second

Mareeg.com: Alshabaab oo horay u shaaciyey magacyada 4-tii qof ee 25-kii bishaan December weeraray xerada Xalane ee AMISOM ayaa haatan sheegay in mid ka mid ah ragaas uu u dhashay Kenya.

Magacyada afarta nin ee fuliyey weerarkii Xalane ayaa Alshabaab ku kala sheegeen:-

1- Nuur Idiris, oo ku magac dheeraa (Sahal), oo ahaa Amiirka kooxda

2- Ibrahim Salaad oo loo yaqaanay (Aadam)

3- Muxamed Sheekh loo yaqaanay (Cabdilmajiid)

4- Cumar Saciid oo ku magac dheeraa (Salmaan Almuhajir).

Ninka ugu dambeeya ee loo yaqaanay Salman Almuhajir ayaa Alshabaab tilmaameen inuu ahaa Kenyan.

Ma sheegin Alshabaab in Salmaan ahaa Somali-Kenyan iyo inuu kasoo jeeday qowmiyadaha kale ee Kenya.

Dardaaran cod oo uu duubay Salman ayaa laga sii daayey Radio-ga Alshabaab, isagoo mar ku hadlaya Af-sawaaxili, marna ku hadlaya Af-soomaali.

Sanidihii u dambeeyey, dhalinyaro badan oo Kenyan ah ayaa ku biiray Alshabaab, waxaana qaar badan oo ka mid ah dib ugu laabteen dalkooda, halkaasoo ay ka fuliyeen weeraro dad badan lagu laayey.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %