Alshabaab ku hoobtay inta u dhaxeeya Degmada Baraawev iyo Tuulada Maryan Gubaay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab ku hoobtay inta u dhaxeeya Degmada Baraawev iyo Tuulada Maryan Gubaay

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa jidka u galay ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka Soomaaliya kuwaasi oo marayay inta u dhaxeeya degmada Baraawev iyo Tuulada Maryan Gubaay.

Sargaal ka tirsan saraakiisha dowladda oo oo la hadlay wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegay in kagasaaro badan ay gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa doonaysay in weerarkaan ay dhibaato ku gaarsiiso ciidanka qaranka laakiin taas badalkeeda waxaa halkaas lau dilay Todobo ka tirsan maleeshiyada weerarka soo qaaday iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay Shan dagaalyahan sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Ciidamadaan ayaa xiliga uu weerarkaan dhacayay waxay ku siijeedeen magaalada Baraawe ayaga oo weerarkaasi ka dibna si nabad ah kuwii watay socdaalkooda.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa caado ka dhigtay inay gaystaan weeraro kuwaas oo ay ku dhibaataynayaan Bulshada Soomaaliyeed, iyadoo dhanka kalana ciidanka amaanka ay sameeyeen diyaar garow ku aadan ka hortaga jkooxdaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!