Alshabaab iyo Qaad wadayaal ku dagaalamay Hiiraan

Mareeg.com: Ilaa Lix qof ayaa ku dhimatay iska hor imaad tuulada Beera-yabaal oo 18 km u jirta degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan ku dhex maray ganacsato qaad iyo koox ka tirsan Al-Shabaab.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in ganacsatada qaadka ay ka soo laabteen degmada Buulo-burte oo ay qaad geeyeen.

Lixda qof ee dhimatay saddex waxey ka tirsanaayeen ganacsatada qaadka, halka saddexda kale ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Afar qof ayaa ku dhimatay dagaal bartamihii sanadkaan deegaanka Jeexdin oo 32 km u jirta Buulo-burte ku dhex maray Al-Shabaab iyo ganacsatada qaadka, kuwaasoo u socday degmada Buulo-burte.

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245