Alshabaab iyo ONLF oo is diiday

Muqdisho – Mareeg.com: Alshabaab iyo Jabhadda xorreynta Ogaden ee ONLF ayaa midba gooni u diiday inuu xiriir la leeyahay dhinaca kale, arrintaan ayaa soo baxday kadib markii dhawaan maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool sheegeen in Alshabaab iyo ONLF oo iskaashanaya ay weerarro ku qaadeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan xadka labada dal.

Afhayeenka howlgallada Alshabaab Cabdilcaziiz Abuu Muscab ayaa beenisay warar maalmihii lasoo dhaafay soo baxay oo sheegayey in dagaalyahanno katirsan ONLF ay ka barbar dagaalameen AlShabaab.

Abuu Muscab ayaa waxba kama jiraan ku sifeeyay sheegashada maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakaool ee ah in dagaalkii deegaanka Caato ka dhacay ay Alshabaab kala qeyb gashay Jambhadda ONLF ee Killilka shanaad kula dagaallanta ciidamada Itoobiya.

Taliska ciidanka Al Shabaab wuxuu sheegay in iyaga iyo ONLF aysan wax xariir ah ka dhaxayn islamarkaana ONLF mamnuuc tahay meelaha Alshabaab maamulaan.

“Warkaasi waa been cadawga ayaa faafiyay annaga iyo ONLF meel islama galno waana kooxo diin laawayaal ah oo mamnuuc ka ah dhulka Mujaahidiintu maamulaan” ayuu yiri Abuu Muscab.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya (ONLF) ayaa iska diiday iney ka barbar dagaallameen ururuka Alshabaab ee Soomaaliya.

Afhayeenka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeniya, Cabdiqaadir Sheekh Xassan Hirmooge ayaa hadalkii Maxamed Cabdi Tool ku cajalad ay Ethiopia duubtay oo lasii daayay.

Bayaan kazoo baxay ONLF ayaa lagu sheegay in aanay ONLF qayb ka ahayn dagaalada u dhexeeya Al-Shabaab iyo Itobiya ee ka socda xuduudaha Soomaaliya.

ONLF ayaa tilmaantay in inkastoo ay dagaal maalinle ah Dawladda Itoobiya, hadana aysan diyaar u aheyn inay dhex gasho siyaasadaha qalafsan ee Soomaaliya, sida warka loo dhigay.

ONLF iyo Alshabaab ayaa labaduba la dagaallama ciidanka Itoobiya, hase ahaatee waxey ku kala duwan yihiin xagga fikirka.

Maalmo ka hor ayaa waxaa dagaal lagu hoobtay ka dhacay deegaanka Caato oo dhaca xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan gobolka Bakool, waxaana halkaas Alshabaab ku dileen ilaa 30 askar ah oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245