Alshabaab iyo Liyu Polis oo ku dagaalamay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya

Aato – Mareeg.com: Alshabaab iyo ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Liyu Boolis ayaa dagaal xoog leh ku dhexeeyay soohdinta ay gobolka Bakool ka wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in daaalkaas ay ku dhinteen in ka badan 20-qof, ayna ku dhaawacmeen tiro kontomeeyo ah, iyadoo dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Inkastoo aan tiro sugan oo ku saabsan khasaaraha dagaalka la hayn, ayaa haddana dadka ku nool deegaannada ku dhow halka lagu dagaalamay waxay sheegayaan in uu dagaalku ahaa mid culus oo ay la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamadii dagaalku u dhexeeyay ayaa weli kuwada sugan deegaankii u dagaalku ka dhacay, iyadoo dhinac walba uu gurmad gaarayo, waxaana laga baqdin qabaa inuu dagaal kale dhexmaro dhinacyada.

Liyu Polis oo ah ciidamada deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhawaanaha waxay kula dagalaamayeen gudaha dalka Soomaaliya xoogagga Al-shabaab oo ka talisa deegaanno ka tirsan gobolka Bakool oo xadka xiga.

Dhawaan, madaxweynha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kku hanjabay iney qaadayaan dagaallo xoog leh oo ka dhan ah Alshabaab, kadib markii dhowr todobaad ka hor Alshabaab dileen tiro badan oo ka mid ah ciidamada maamulkiisa.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245