Alshabaab: Hadafkeena koowaad waa xildhibaanada iyo maxkamadaha * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab: Hadafkeena koowaad waa xildhibaanada iyo maxkamadaha

Muqdisho – Mareeg.com: Afhayeenka Alshabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay iney sii wedayaan beegsiga xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, xilli labadii maalmood ee lasoo dhaafay Muqdisho lagu dilay labo xildhibaan mid kalana la dhaaqacay.

Afhayeenka Alshabaab oo la hadlay warbaahinta iyaga taaagreeta ayaa sheegay in hadafkooda koowaad uu yahay xildhibaanada iyo dadka ka shaqeeya garsoorka.

“Hafafkeenna koowaad waa kuwa sheeganaya sharci dejinta iyo kuwa u adeega ee ah maxkadaha” ayauu yiri afhayeenka Alshabaab, Cali Dheere.

Alshabaab ayaa sanad ka hor weerar in ka badan 50 qof ku dhimatay ku qaaday xarrunta maxkamadda gobolka Banaadir, waxeyna weli ku hanjabayaan iney beegsanayaan baarlamaanka iyo shaqaalaha garsoorka.

21-kii bishaan April, Alshabaab ayaa qarax gaari degmada Xamarweyne ku dilay xildhibaan Isxaaq Maxamed Ibraahim, waxaana isla qaraxaas ku dhaawacmay xildhibaan kale oo lagu magacaabo Maxamed Cali Dhuux iyo 2 qof kale oo rayid ah, halka shalay oo aheyd 22-ka April Alshabaab markale degmada Dharkeynley ku dileen xildhibaan kale oo la oranjiray C/caziiz Isxaaq Mursal.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!