Alshabaab: "Ganacsatada Bosaso haka fogaadeen iney ilaaladooda u xiraan tuutaha ciidanka" * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab: “Ganacsatada Bosaso haka fogaadeen iney ilaaladooda u xiraan tuutaha ciidanka”

Mareeg.com: Alshabaab ayaa war ay soo saareen ugu baaqay ganacsatada ku bool magaalada Boosaaso ineysan ilaalada goobahooda ganacsi u xirin dharka tootaha ee ciidamada lagu yaqaanno.

Afhayeenka ciidanka Alshabaa, C/caziiz Abuu Muscab ayaa ganacsatada magaalada Boosaaso ugu baaqay in ciidanka ilaalada ka haya goobahooda ganacsi ay ka bedelaan dareeska ciidamada maadaama uu u egyahay tuutaha ay caanka ku yihiin ciidamada maamulka Puntland.

Abuu Muscab oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay iney ganacsatada  ku ammaanayaan sameysashada ilaalo gaar ah oo hantidooda difaacda maadaama sida uu yiri uusan Boosaaso kajirin maamul laysku halleyn karo.

“Ganacsatada reer Boosaaso aad baan usoo dhaweynayaa in ay hantidooda ilaashadaan, maxaa yeelay meeshan maamul laysku hallayn karo kama jiro, kuwa mooryaanta ah iyaga ayaa mudan in hantida laga dhowrto, waxaana ka rabnaa walaalaheena muslimiinta ah in ay ka dheeraadaan dharka tuutaha ah si uusan khalad u dhicin, mujaahidiintu ma doonayaan in ay daadiyaan dhiigga Muslimiinta” ayuu yiri Abuu Muscab.

Afhayeenka Alshabaab ayaa sheegay iney ka warhayaan in ganacsatada qaar leeyihiin ilaalo wadata dhar gaar ah, wuxuuna ku taliyey in ganacsatada kale sidaas sameeyaan haddii kale aysan adeegsan dharka ciidamada.

Alshabaab ayaa dhawaanahan weeraro ka geysanayey magaalada Boosaaso, inkastoo iyagana dad badan lag qabtay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!