Alshabaab: Dagaalka waxaan u rarnay Kenya

Read Time:1 Minute, 16 Second

Baardheere – Mareeg.com: Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole) oo ka mid ah saraakiisha Alshabaab ayaa sheegay in dagaalka ay u raareen gudaha Kenya si loo burburriyo dowladnimada Kenya.

Fu’aad Shongole oo ka hadlay degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo Alshabaab kusoo bandhigeen gaadiid ay kasoo qaateen meel ku dhow degmada Mandera ee Woqooyi Bari Kenya.

Wuxuu sheegay Fu’aad iney la dagaallamayaan Kenya ilaa ay ka burburriyaan dowladdooda maadaama ay sida uu yiri ay kusoo duushay dhulka Soomaaliya.

Sidoo kale, Sheekh Fu’aad ayaa sheegay in waxa ay hadda soo wadaan ka badan yihiin wixii horay ugu dhacay Kenya, wuxuuna sheegay in dadka weerarada ka geystay Kenya ay yihiin dad horay ay u dhibaateysan dowladda Kenya.

Shacabka Muslimiinta ah ee ku nool gudaha Kenya ayuu Fu’aad ugu baaqay iney qeyb ka qaataan duminta dowladda Kenya oo ay hubka qaataan.

Dhanka kale, Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Al Shabaab ugu magacaaban, ayaa waxa uu sheegay inay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha, ayaa tibaaxay 3-dii habeen ee ugu dambeysay in Magaalada Muqdisho ka geysteen weeraro xiriir ahaa, oo ay ku naafeynayeen waxa uu ugu yeeray cadowga.

Weeraradaan, ayuu intoodu badan sheegay inay la beegsadeen Garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, Saldhiga Degmada Yaaqshiid, Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia iyo goobo kale.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen, ayaa waxa uu shacabka kaga digay inay ku hungoobaan hadalada ka soo yeeraaya Madaxda Dowlada, oo ay ku sheegayaan in ammaanka Magaalada Muqdisho leesku haleen karo.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %