Alshabaab: Dagaalka duleedka Kismaayo waxaa sabab u ah joojinta dhuxusha * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab: Dagaalka duleedka Kismaayo waxaa sabab u ah joojinta dhuxusha

Mareeg.com: Alshabaab ayaa ka warbixiyey dagaalo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ciidamadooda iyo kuwa Axmed Madoobe ku dhexmaray deeganka ka baxsan Kismaayo.

Madaxa Alshabaab ugu magacaabay Jubooyinka, Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa warbaahinta u sheegay sababta keentay dagaalka ka dhacay deegaan lagu magacaabo Kharsaa joojinta Alshabaab Kismaayo ka joojiyeen dhoofinta dhuxusha.

“Dhuxusha laga joojiyay dakada Kismaayo ayaa sabab u ah dagaalada ka dhacay duleedka Kismaayo”ayuu yiri sheekh Cabdiraxmaan Xudeyfa oo sheegay iney Alshabaab doonayaan in la joojiyo xaalufinta dhirta.

Alshabaab ayaa horay dhuxusha xayiraad ka saaray magaalada Kismaayo, kadib markii sida la sheegay la ogaaday in ciidamada Kenya iyo kuwa Axmed Madoobe ka helaan dhaqaale badan oo canshuur ah marka debadda loo dhoofinayo.

Dhulka xeebaha ah ee Alshabaab maamuli jireen oo Kismaayo ka mid tahay iyo kuwa ay hadda maamulaan sida Baraawe ayaa ka mid ah meelaha sida weyn looga dhoofiyo dhuxusha.

Maamulka Juba ayaa iyagu horay u sheegay in dagaalka maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey Kismaayo uu sabab u ahaa dalab Shabaabku dadka deegaanka dul dhigeen oo ahaa iney seko bixiyaan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!