Alshabaab: Ciidamada Ban Ki-Moom Leeyahay Hala Soo Kordhiyo Waxey Badel U Yihiin Kuwii Aan Leynay

Read Time:1 Minute, 25 Second

Muqdisho – (Mareeg.com): Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheer ayaa ka hadlay ciidamada dheeraadka ah ee laga codsaday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay inuu kusoo kordhiyo ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga wuxuuna sheegay in ciidamadaasi aysan waxba kusoo kordhineyn dagaalka Soomaaliya.

Cali Dheere ayaaa sheegay in ciidamada uu ku baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon in lagu soo kordhiyo ciidamada AMISOM ay badel u yihiin sida uu yiri ciidamadii Alshabaab ka laayeen Midowga Afrika.

Afhayeenka Alshabaab oo la hadlay Idaacadda Al-furqaan ee Shabaab taageerta, ayaa sheegay in ciidamada ka socda Afrika dalka Soomaaliya looga dilay kumannaan askari, wuxuuna tusaale usoo qaatay saddaxdii kun ee ay afkooda ku qirteen horraantii sannadkan.

“Nimankan Gaalada ah sida la ogyahay wadanka muddo 7 sano ayay ciidan soo gelinayeen, waxay soo geliyeen ciidan ilaa 20-kun askari ah, mudadaas mujaahidiinta waa u jilib dhigeen, qasaare xoogan ayay gaarsiiyeen, maka kuwa hadda la leeyahay waa lasoo kordhinaa waxaa lagu badelayaa kuwii aan leynay” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka Alshabaab ayaa sheegay ineysan marna cabsi gelin doonin ciidamada la doonayo in lagu soo kordhiyo Soomaaliya, isagoo tilmaamay in meel hadda ku dhawaad 20 kun oo askari wax ka tari waayeen aysan waxba ka qaban karin 4000 oo hadda lagu soo daro.

“Wax ay soo kordhinayaan ma jirto hadii labaatan kun yihiin iyo hadii afar iyo labaatan kun, xilligan waxaa ku soo beegay jabka gaalada heysta iyo rafaadka, waxey doonayaan iney kusii xajistaan meelaha ay hadda heystaan” ayuu yiri sidoo kale afhayeenka Alshabaab.

Ugu dambeyn afhayeen Alshabaab, Cali Dheer ayaa ku hanjabay iney sii kordhinayaan dagaalka ka dhanka ah AMISOM iyo dowladda Soomaaliya, islamarkaana aysan marna aqbali doonin iney dalka Soomaaliya sii joogaan ciidamo shisheeye.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %