Mareeg.com: Alshabaab ayaa sheegay in shalay deegaanka Kudhaa ku dileen 64 ka mid ah ciidamada maamulka Juba ee uu hohaamiyo Axmed Madoobe.
C/caziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidanka Al Shabaab ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Andalus ee Shabaabku leeyihiin ayaa ku sheegay in 64 ka tirsan ciidamada Axmed Madoobe ay ku dileen dagaalkii shalay ka dhacay halkaas, ee markii damber Alshabaab kula wareegeen gacan ku heynta Jaziiradaas yar.
Mar laweydiiyay tirada Alshabaab uga dhimatay dagaalkaas ayuu yiri “Dhanka mujaahidiinta 3 ayaa ka shahiiday, Allaha unaxariisto 5 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray”.
Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab Sheekh ayaa ku waramaya inay nolosha ku qabteen 8 ka mid ah Ciidamada Maamulka Jubba.
Maamulka Juba ee ku meel gaarka ah weli wax war ah kama soo saarin dagaalkan oo dhacay shalay iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana warar saaka soo baxay sheegayaan in maamulku halkaas u diray ciidamo dheeraad ah.
Kudhaa oo koonfur ka xigta Magaalada Kismaayo ayaa bishii la soo dhaafay laga saaray xooggaga Al Shabaab, halkaasi oo ay horay ugu isticmaali jireen inay ku gabadaan madaxda sarsare ee ururkaas.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.