Alshabaab oo 147 arday ku dilay Jaamacada Gaarisa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo 147 arday ku dilay Jaamacada Gaarisa

Mareeg.com: Afar ka mid ah Alshabaab oo shalay subax xilligii salaadda subax qabsaday Jaamacadda Gaarisa ee gobolka Woqooyi Bari ayaa dilay 147 ruux, iyadoo xalay iyagana markii dabme la dilay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ugu yaraan 147 ruux oo u badan arday lagu dilay weerarka. Sidoo 3 askari ayaa dhintay, 80 kalana wey dhaawacmeen.

Weerarkaan Alshabaab ku qaadday Jaamacadda Gaarisa ayaa wuxuu socday muddo ka badan 15 saacadood, waxaana lasoo gebabeeeyey xalay fiidkii hore.

In ka badan 500 oo arday ah ayaa laga soo badbaadiyay weerarka kooxaha hubeysan ay ku qaadeen kambaska Garissa University College, sida ay sheegtay hay’adda ka hortaga masiibooyinka Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha, Kenya Joseph Nkaiserry oo shalay markii weerarku bilowday gaaray Gaarisa ayaa sheegay in 4 ka mid ah dadkii ka dambeeyay weerarka la diley.

Dowlada Kenya ayaa ku soo rogtay bandow soconaysa habeenkii oo idil ah oo socotana muddo 4 todobaad ah afar magaalo oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasoo kala ah Gaarisa, Wajir, Mandera iyo Tana River.

Kenya waxey qabtaa in weerarka dadkaas badan lagu laayey uu soo abaabulay sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu magacaabo Gacmadheere.

Dowladda Kenya ayaa madaxa ninkaas duldhigtay lacaga dhan 20 Milyan oo shilinka dalkaas ah. Lacagataas waxaa la sheegay in la siinayo qofkii macluumaad ka keena Gacma-dheere oo ku sugan Jubooyinka.

Saaka ayaa la filayaa in la kala saaro meydadka faraha badan, iyadoo waalidiin badan aysan weli ka warheyn in caruurtoodu ku jiraan kuwa la dilay ama kuwa la badbaadiyey.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!