Mareeg Media
Somalia

Almaas Elman oo Goordhow lagu toogtay Muqdisho

Gudaha Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho Waxaa goordhow lagu dilay Almaas Elman Axmed oo mar soo qabatay xilka Xoghayaha koowaad safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka Almaas Elman,waxana wararka qaar ay sheegayaan in Gaari ay wadatay xabad lagu riday ay ku dhacday sidaasina ay ku geeriyootay.

Hadda waxaa ay ka tirsaneyd  hey’adda Elman Peace oo uu Aas’aasay Aabaheed oo can ku ahaa ka Shaqyenta Nabada ee Elman Axmed, kaas oo isna muqdisho lagu dilay.

Dad badan ayaa is weeydiinaya sababta ka dambeeysa dilka Almaas Elman rasaasta lagu dhuftay inay aheyd mid ku talo gal ah ama wiifto, iyada oo aan weli wax faah faahin ah laga bixin.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!