Ali Cosoble iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo goordhaw gaaray Jowhar iyo ... * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ali Cosoble iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo goordhaw gaaray Jowhar iyo …

Wararka ka imaanaa magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi gaareen Cali Cabdulaahi Cosoble Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi.

Masuuliyiintan waxaa garoonka Diyaaradaha Jowhar kaga hortagay kuna soo dhaweeyay Xildhibaano iyo Wasiiro taageersan, waxaana loo soo galbiyay gudaha magaalada Jowhar gaar ahaan xarunta Madaxtooyada u ah Cosoble.

Madaxweynaha Kalmsoonida lagala noqday iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshablle ayaa la filayaa in ay Warbaahinta la hadlaan kana soo horjeestaan go’aankii shalay Baarlamaanka Kalsoonida kala noqdeen Cosoble.

Xiisad Syaasadeed ayaa ka taagan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle , waxaana magaaladaasi kuwada sugan Xildhibaano iyo Wasiiro iska soo horjeeda siyaasad ahaa kuwaa kala ah kuwa Kalsoonida kala noqday Madaxweynaha iyo kuwa taageersan.

Cali Cosoble iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku tagay magaalada Jowhar in ay kala fur furaan Xildhibaanada mucaaradka ah, lamana oga sida ay suurto gal u noqon karto in Xildhibaanada kalsoonida kala noqaday Madaxweynaha in mar kale go’aankooda ka laabtaan .

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!