Mareeg Media
Somalia

ALBASHIIR| Wax badan ka ogoow Xaalada suudaan

CUMAR ALBASHIIR Waxuu kadagay  Xilka madaxweeyne ee wadanka suudaan.

Ciidamda xoogga dalka Suudaan  ayaa la wareegeen Idaacadda iyo Talafashinka qaranka, , Garoonka diyaaradaha khartuum weey xereen.

Saraakiil ka tirsan xukuumada al Bashiir  xabsiga ayaa la dhigay.

Ciidanka ayaa  xiray Ahmed Haruun Oo ahaa Madxii xisbiga Golaha Qaranka,

Cali Cusmaan Daaha oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii Wadanka  30sano ee lasoo dhaafay.

Cabdi Raxiim maxamed xuseen oo ah Wasiirkii Hore ee Difaaca sudaan.

Coowd Ahmed Jaaz oo ahaa Wasiirka Tamarta Suudaan.

Midoowga xirfadlayaasha Suudaan Waxeey dalbadeen In ay waajib tahay dowlad madani ah la dhiso ayna kasoo muqdaan dhamaan Dhinacyadii Kacdoonka ka dhanka ahaa Al Bashiir.

mudaaharaada yaal ayaa hor buuxa Taliska guud ee ciidanka qaranka suudaan Hortiisa waxeey sheegeen ineey joogi doonaan ilaa laga fuliyo Dalabkooda.

Ciidanka wadanka Ayaa laga sugayaa Hadal muhiim ah oo lagu ogaan doona halka xukunka wadanka uu aadayo iyo cida uu gacanta u galaayo Tv Wadnka waxaa toos u saaran Caalamada ciidanka .

Madaxa Arimaha Dibada Ee Golaha Federalka Ruushka ayaa yiri Ma aqbaleyno Isbadal kan dhaca sudaan Oo Aan Dastuurka Sudaan iyo dumaqraadiyada loo marin.

Sidoo kale Waxa  sudaan ka socda  ayuu ku sheegay afgambi ciidan.

Sargaalkii La wareegay Awooda Wadanka ayaa is casilay waxaana la wareegay ku xigeenkiisa .

Taliya sirdoonka wadanka suudaan ayaa is casilay maanta waxaana Meesha ka bxaya taliye ciidanka sirdoonka oo 30 sano ku dhawaad hey’adaas maamulayay.
Sudaan waxeey galeysaa Xaalad adag .

Maxaa ka Rajeyneysaa Xaalada Suudaan ?

Lawadaag Saaxiibadaada

Qore Ahmed wehliye gaashaan

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!