Al-shabab oo shaaciye magaca ninkii qarxiyay SYL Hotel * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al-shabab oo shaaciye magaca ninkii qarxiyay SYL Hotel

Ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay Jaabir C/llaahi Diiriye, sidoo kalena loo yaqaano Shugri waxaa uu u dhashay Beesha Mareexaan,

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Jaabir oo kaxeynayay gaari kuwa xamuulka ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu beegsaday Hotelka SYL.

Jaabir oo 44-jir ah ayaa ku dhashay deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo 1972, waxaa la sheegay inuu howlo kala duwan ka soo qabtay qeybaha kala duwan ee Al-Shabaab ka kooban tahay, isagoo ugu dambeyn ka mid ahaa Guutada is-qarxinta (Istishaahidiga).

Wareysi laga qaaday ka hor inta aanu fulin weerarka ayuu kaga hadlay taariikhdiisa iyo sida uu doonayo inuu weerarka uu qaadayo u fuliyo.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay baahinaya magacyada iyo qabiilka ay u ka soo jeedaan dadka fuliya weerarada is qarxinta.

Weerarkii is qarxinta ahaa ee Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka SYL ayaa ka mid ahaa weeraradii ugu xoogganaa ee soo mara magaalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!