Al Shabaab Weerar Xoogan ku qaaday Degmada Afgooye

Saqdii dhexe ee xalay debley hubaysan oo ka tirsan Alshabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday degmada Afgooye ee gobalka Sh/hoose iyada oo ay ka soo baxayaan warar kala duwan sida uu u dhacay weerarku.

Alshabaab ayaa la sheegay in ay sedex jaho ka soo weerareen degmada Afgooye ee gobalkaas islka markaana ciidamada dowladda uu dhex maray dagaal xoog leh oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan dowladda fedraalka Soomaaliya  ayaa  sheegay in ay iska cabiyeen weerarka al shabaabna ay ka dileen dhowr dagaalame,lakin ilo madax banaan aya sheegaya in shabaab ay qabsadeen qayb ka mid ah degmada Afgooye ee gobalka Sh/hoose.

 

About Ardaan Yare 1749 Articles
Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga