Al Shabaab sheegtay in tobanaan Askari ay ku Dileen Weerarkii lagu qaaday Saldhiga Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al Shabaab sheegtay in tobanaan Askari ay ku Dileen Weerarkii lagu qaaday Saldhiga Kenya

Garbahaareey (Mareeg)—Ururka Al Shabaab ayaa si rasmi ah ugu sheegatay Mas’uuliyada Weerar Xoogan oo xili hore ee Saaka lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Afhayeenka dhanka howgallada Ururka Al Shabaab, Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa sheegay in Weerarkaasi ay ku Dileen ugu yaraan 63 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Kenya ee qeybta ka ah howgalka AMISOM.

Weerarkan ayaa markiisa hore ku bilaawday Gaari laga soo buuxiyay walaxaha Qarxa kaasi oo lagu dhuftay albaabka hore ee Xarunta Ciidamada Kenya waxaana intaasi kadib Saldhiga gudaha u galay Dagaal yahano hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab oo halkaasi in muddo ah kula dagaalamayay Ciidamada Kenya.

Dhinaca kale, Qoraal ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhigga Dalka Kenya ayaa lagu sheegay in Weerarkaasi uu jiro islamarkaana ay Al Shabaab ay ku qaadeen Xarunta Ciidamada Kenya ee Degaanka Ceelcadde.

Qoraalkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in Weerarkaasi aanu wax khasaaro ah ka soo gaarin Ciidamada Kenya, inkastoo Al Shabaab ay sheegteen Weerarkaasi ay ku Dileen ugu yaraan 63 Askari.

Degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen Dagaal yahano hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!