Al Shabaab saakay gudaha u galay Deegaanka Goofguduud Buureeyee G/Baay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al Shabaab saakay gudaha u galay Deegaanka Goofguduud Buureeyee G/Baay

Wararka aan ka heleyno deegaanka Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30-km Magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca degmada Waajid ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayan in saakay halkaasi aroortii hore ay la wareegeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Waxaa la sheegay in dagaalamayaash Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Goofguduud Buureey dagaal la’aan,kadib markii halkaasi ay isaga baxeen Ciidamadii dowlada ee ku sugnaa deegaanka.

Dadka deegaanka Goofguduud Buureey ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegeen inay arkeen saakay aroortii hore gaadiidka dagaalka Al-shabaab oo dhowr jiho deegaanka ka soo galaya,isla markaana rasaas xoogan ridaya.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay kaga hadlayan in Shabaab ay la wareegeen deegaanka Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30-km Magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca degmada Waajid ee Gobolka Baay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!