Al Shabaab Oo Xukun Dil Ah Ku Fuliyay Nin La Sheegay

Read Time:44 Second

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa dil toogasho ah ku fuliyay nin la sheegay in uu horay u dilay labo qof,iyagona Al Shabaab goob fagaaro ah isugu keenay dad badan si ay u Daawadan toogashada.

Ninkan Al Shabab dilka ay ku fuliyeen ayaa waxa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cali oo 51 jir ah waxaana al shabaab ay ku eedeeyeen in uu horay u dilay labo qof,kuwaa oo kala ahaa Aadan Cali Nuur iyo  Cali Aadan Cali oo kala ahaa wiil iyo aabbihii.

Dhimashada labada qof ayaa lagu sheegay in uu Cali u adeegsaday Sunta Doolliga oo uu Raashin ugu daray,waxaa sidoo kale suntaas ka bad baaday saddex Carruur ah sida ay sheegeen Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa dhawaan Gobolka Shabeellaha hoose waxaa ay gacanta uga gooyeen wiil lagu eedeeyay in uu dhacay Lacag taallay Farmashiye,Mobile iyo Joog Kabo ah.

 

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %