Translate to your language
Al shabaab oo weerary saldhig ciidamadin — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al shabaab oo weerary saldhig ciidamadin

Hosingow ( mareeg news ) Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegay inay weerareen Saldhigyo Milatariga Kenya ay ku leeyihiin Degmada Afmadow ee gobalka Jubada Hoose iyo deegaanka Cabdalle Biroole sida ay sheegeen Saraakiisha Al-shabaab.



Qoraal ay soo dhigeen Page-ka ay Internate-ka ku leeyihiin ayay Al-shabaab ku sheegeen in ay weerarkaas ay ku dileen Ciidamo ka tirsan Kenya mudana dagaalka uu socday, sidoo kale Shabaab ayaa sheegay in ay weerarka qaadeen xalay guulana ay ka geereen.

Dhinaca Kale Saraakiisha degmada Afmadow ee gobalka Jubada Hoose iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa KNN u sheegay in dagaal xoog leh uusan dhicin ayna iska difaaceen weerarkii ay soo qaadeen Al-shabaab.



Saraakiisha Jubbaland ma aysan sheegeen khasaare dhinacooda soo gaaray ama ay gaarsiiyeen Al-shabaab, sidoo kale ma aysan sheegeen Khasaare gaaray Milatariga Kenya ee Jubooyinka ku sugan.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!