
Wararka ka imaanaya deegaanka Kamuudey oo dhaca duleedka magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in 3 macalimiin ah lagu dilay weerar ka dhacay halkaas.
Koox looga shakisan yahay inay yihiin Shabaab ayaa aroornimadii saaka weeraray deegaankaas.
Wararka waxay sheegayaan in kooxda weerarka fulisay ay bartilmaameedsadeen saldhig boolis iyo anteenada isgaarsiinta aaggaas.
Qaar kamid ah Warbaahinta Kenya ayaa qortay in Mas’uuliyin ka tirsan ismaamulka Gaarisa ay gaareen deegaanka uu weerarka ka dhacay si ay u qiimeeyaan khasaaraha kale ee ka dhashay weerarkaas.
Si kastaab Al-Shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay kordhiyeen weerarada ay ka fulinayaan Guaha Kenya,waxaana muddolaba todobaad gudahood ah ay fuliyeen Saddex weerar oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.