Al-Shabaab oo weerarey Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Dowladda

Read Time:32 Second

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab weerar gaadmo ah ku dileen Askari mid kalena ku afduubteen.

Weerarkaan ayaa yimid,kaddib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay si gaadmo ah ku galeen Saldhig Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Bangarafta loo yaqaano ku leeyihiin deegaanka Sabiid oo hostaga degmada Afgooye.

Weerarka ayaa Al-Shabaab waxaa ay sheegeen inay ku dileen hal askari mid kalena ay nolosha ku qabteen,isaga iyo qorigiisa.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Dowladda oo ku aadan sheegashada Al-Shabaab inay dileen midna Afduubteen Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %