Al Shabaab oo weeraray kolonyo ay la socdeen ciidamo Mareykan ah
Wararka naga soo gaarayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamo Soomaali iyo kuwo Mareykan ah isugu jira oo ka soo baxay Degmada Afgooye ee gobolkaasi ay jidka u galeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab.
Weerarka jid galka ah ee lagu qaaday kolonyada Ciidamadan isugu jira Soomaali iyo kuwo Mareykan ah ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka muuri,iyagoona ku sii jeeday deegaanka Shalanbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose .
Al Shabaab war ay ku qoreen barahooda internet-ka ah ayaa waxa ay ku sheegeen in weerarkaasi ay ku gubeen gaari booyad ah oo kamid ahaa kolonyada,waxa ayna sidoo kale sheegeen Al Shabaab in Khasaaro kala kuwan ay gaarsiiyeen Ciidamadii ay weerar ku qaadeen.
Sidoo kale weeraro kale oo jid gal ahaa ayaa ka dhacay meel u dhow lambar lixdan iyo deegaanka Ceel-wareegow ee gobolka Shabeelaha hoose.
Comments are closed.