Al Shabaab Oo Weerar Xoogan Saakay Ku Qaaday Saldhig Ciidan

Read Time:50 Second

Wararka aan ka heleyno Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay ku waramayan in Aroortii hore ee Saakay halkaasi uu ka dhacay Weerar Qaraxyo ku bilaawday oo ay Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Salhdig Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin Deegaanka Baar Sanguuni.

Weerarkan ayaa waxaa la sheegay in uu ku bilowday Qaraxyo xoogan kadibna waxaa halakasi si toos ah ka bilaawday dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan,iyadoo dagaalka uu socday mudo ka badan Saacad islamrkaana uu dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab oo weerarka soo qaaday.

Dagaalka ka dhacay Deegaanka Baar Sanguuni ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo gaaray dhinacyadii halkaasiku ku dagaalamay,waxaana dadka deegaanka Deegaanka Baar Sanguuni ay sheegayan in Aroortii hore ee Saakay ay ku soo tooseen Qaraxyo iyo Weerar xoogan.

Weli Warar madax banaan majiraan oo cadeynaya khasaaraha ka dhashay weerarkaas,waxan welina la maqlayaa rasaas ka dhaceysa Baar Sanguuni.

 

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %